Banaanbax ka Dhacay Tel Aviv oo Lagu Dalbanayo in Dagaalka la Joojiyo.

17
0

Boqolaal Yahuudd ah ayaa mudaharaadyo ka dhigay magaalada Tel Aviv, waxayna cambaareeyeen in dawladoodu aysan awood u lahayn in ay heshiis xabad joojin ah la gaarto kooxaha wax iska caabinta ee Xamaas iyo in la sii daayo maxaabiista mudada sannadka kabadan ku xirnaa marinka Qaza.

Dibad-baxayaashu waxay dalbanayaan xabbad-joojin ay la galaan Xamaas, xilli maamulka Yahuudda uu sheegtay in ay gaareen  inta badan hadafyadoodii milatari, kaas oo ah Xasuuqa bahalnimo ee ay ka gaysanayaan jiida Qaza,  balse ay ku fashilmeen inay soo daayaan maxabiistii laga qabsaday 7-October 2023-da.

Tan iyo markii uu bilowday dagaalkan Dufanta Al-Aqsa, waxaa isasoo tarayay khilaafka xooggan ee soo kala dhexgalay Maamulka Yahuudda iyo shacabkooda, kuwaas oo ku eedeynaya ra’iisul wasaaraha Benjamin Netanyahu, inuu carqaladaynayo wadahadalada si  uu xukunka usii joogo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here