Dalka Afgaanistaan oo maanta si rasmi ah looga furay bandhigii afraad oo heer qaran iyo heer caalami ah.
Bandhiga ka furmay magaalada caasimada ah ee Kabul ayaa qayb ka ah hawlaha toddobaadka ee lagu soo bandhigaayo Warshadaha, iyadoo ay si weyn uga qayb-galeen shirkado maxalli ah iyo kuwo caalami ah.
Tallaabadaan ayaa ka tarjumaysa sida ay Afgaanistaan uga go’an tahay inay taageerto wax soo saarka gudaha iyo horumarinta iskaashiga dhaqaalaha gobolka.
Bandhigaan ayaa farriin cad u ah in hormar dhanka dhaqaalaha la sameyn karo ayadoo dalku wajahaayo caqabado ay kamid tahay go’doon dhanka dhaqaalaha ah iyo aqoonsi la’aan caalami ah.