Bangladesh oo Laga Dhacayay 16 Bilyan oo Doollar Sanadkiiba (Warbixin).

10
0

Waxaa la rumeysan yahay, in Bangaladheesh laga dhacay 16 Bilyan oo doollar sannadkiiba intii lagu guda jiray 15-kii sano ee ay xukunka haysay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Hasina Wajid, sida lagu sheegay natiijada guddi baaritaan ah, oo uu sameeyay Ra’iisul wasaaraha KMG ah ee dalkaas Muxamed Yunus.

Wakaaladda Bloomberg News ayaa soo warisay, in guddiga oo uu hogaaminayay nin ku xeeldheer cilmiga dhaqaalaha oo lagu magacaabo Debapriya Bhattacharya, uu u soo bandhigay Yunus, warqad cad oo ku saabsan xaaladda dhaqaalaha Bangladesh, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay dowladda.

Yuunis waxa uu bayaanka ku yiri, “qaybta murugada leh ayaa ah inay si cad u dhaceen dhaqaalaha, inteena badanina waan awoodi kari waynay inaan ku dhiirano inaan ka hortagno.” Waxa uuna sheegay Yunus, in dukumentigani uu muujinayo dhaqaalaha ay ka dhex heleen kacdoonkii shacabka kaddib bilihii July iyo August.”

Hogaamiyaasha xisbigii haweenaydii talada laga tuuray ee Hasina ayaa ku jira xabsi ama waxay ku dhuumaaleysanayaan Bangladesh, halka qaar ka mid ahna ay ka baxeen dalka, sidaa daraadeed xisbigu ma hayo afhayeen rasmi ah oo lala xiriiri karo si uu uga hadlo eedaymaha ku qoran warqadda.

Iyada oo qayb ka ah baaritaannada, guddiga ayaa eegay 7 mashruuc oo waaweyn oo qayb ka ahaa 29 mashruuc, kuwaas oo mid kastaa uu ku baxay in ka badan 100 Bilyan oo ah lacagta dalkaas, taas oo qiyaastii ah 836 Milyan oo Doollarka Maraykanka ah.

Kharashka bilowga ah ee todobada mashruuc ee la baadhay waxa lagu qiyaasay 1.14 trillion oo ah lacagta dalkaas, oo qiyaastii udhaganta 10 Bilyan oo Doollar. Bhattacharya oo ah ninka hogaaminaya guddiga qaabilsan baaritaanka ayaa yiri “Dhibaatadu way ka qoto dheer tahay sidii aan moodaynay,”

Bishii Oktoobar ee ina dhaaftay, guddoomiyaha bangiga dhexe ee Bangladesh, Ahsan Mansoor, ayaa ku eedeeyay ganacsato lala xiriiriyay taliskii la afgembiyay ee Hasina, in ay la shaqaynayeen xubno ka tirsan hay’adda sirdoonka milatariga ee awoodda badan ee dalkaas, si ay qaybta bangiyada uga xadaan 17 Bilyan oo doollar intii ay xukunka haysay Hasina.

Waxa uu intaas ku daray, in illaa 2 tirilyan oo Taka ah, oo udhiganta 16.7 Billion laga saaray Bangaladesh, kaddib markii lacagaha bangiyada lagu qabtay habab ay ka mid yihiin deymo la siiyay saamilayda cusub iyo qaansheegyo badan oo soo dejinta ah.

Waxaa xusid mudan, in dibadbaxayaal arday ah ay afgambiyeen Hasina bishii Agoosto ee la soo dhaafay, kaddib 15 sano oo ay xukunka haysay.

Ciidanka iyo hoggaamiyayaasha mudaaharaadku waxay u doorteen inuu hoggaamiyo dawlad ku meel gaar ah Muxammad Yunus,  waxayna marar badan ballan qaaday dawladiisa, in ay dib u soo celin doonto dhaqaalihii ay lunsadeen xubno ka tirsan maamulkii hore iyo kuwii la shaqeynayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here