Warbaahinta Yahuudda ayaa ku dhawaaqday, in labo askari ay ku dhaawacmeen weerar gaadmo ah oo galabtii Isniinta ka dhacay bar kontorool oo ay ciidamada Sahaayinada ku leeyihiin goob udhow magaalada Beytlaxam.
Ciidanka gumaysiga ayaana sheegay, in baabuur ay wateen falastiiniyiintu uu jabsaday koontaroolka ku yaalla galbeed magaalada Beytlaxam, darawalkiina uu qaaday weerar gaadmo ah kaddibna uu la baxsaday gaarigiisii.
Waxayna intaasi ku dareen, in ciidamadooda ay ku sugan yihiin Beytlaxam, ayna ku daba jiraan halyeeygii weeraray barta koontarool oo ay ciidamada ku sugnaayeen.
Idaacadda Ciidamada Yahuudda ayaa sheegtay, in ciidamadu ay go’doomiyeen magaalada Beytlaxam kaddib markii labo qof ay ku dhaawacmeen weerar gaadma ah oo ka dhacay bar koontarool oo ay ciidamada ku sugnaayeen.
Kaddib howlgalladaas, waxa ay ciidamada gumaystaha gurmad ciidan ka codsadaan, ciidamada gumaystaha kale ee ku sugan agagaarka magaalada Al-Khader oo u dhow Beytul Maqrib.