Bin Gafiir Iyo Wasiirada Xisbigiisa Ayaa Iska Casilay Xukuumadda Iyagoo Diidan Heshiiska Xabad Joojinta Gaza.

48
0

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay – maanta oo Axad ah – in wasiirka amniga Bin Gafiir iyo wasiirrada xisbigiisa (Yuhuush Greatness) ay u gudbiyeen istiqaalad ay kaga tageen xukuumadda, iyaga oo diiday heshiiskii xabbad-joojinta ee magaalada Qaza, taas oo dhaqan galaysa maanta.

Bin Gafiir oo ah argagixiye qayb ka ah xasuuqa muslimiinta reer Falastiin ayaa maalintii shalay shirkii golaha wasiirada ka hor codeeyey in hadii heshiiskaas, la ansixiyo iska casili doono xukuumadda.

Bin Gafiir ayaa sidoo kale sheegay in shalay uu dareemay “argagax” ka dib markii uu dhagaystay faahfaahinta heshiiska xabad joojinta.

Dhanka kale, heshiiska xabbad joojinta ee magaalada Qaza ee u dhexeeya Dhaqdhaqaaqa Iska caabinta Islamaamiga Xamaas iyo gumeystaha Yahuuda ayaa dhaqan galay.

Heshiiskani wuxuu ka kooban yahay 3 marxaladood, mid walbana wuxuu soconayaa mudo 42 maalmood ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here