Fallaagada M-23 ee ay Rwanda taageerto ayaa Talaadadii la wareegay garoonka diyaaradaha ee magaalada go’doonsan ee Goma ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo. Dagaalada ka socda magaalada Goma oo ah magaalada ugu weyn bariga dalkaas ayaa sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay waxa ku dhintay in ka badan 100 qof halka ay ku dhaawacmeen illaa 1,000 qof, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay wakaalada France Press oo ka soo xigatay isbitaalka.
Dhaqtar ay la xiriirtay wakaaladda wararka ee France-Presse, kadib dagaaladii maalmihii lasoo dhaafay dhex maray ciidamada Kongo iyo jabhada M-23 oo ay taageerayaan ciidamada Rwanda ayaa xaqiijiyay, in meydad badan ay wali daadsan yihiin magaalada.
Magaalada Goma ayaa noqotay goob dagaal tan iyo markii fallaagada M-23 ee Tutsi-ga hoggaamiyo iyo ciidamada Rwanda ay galeen bartamaha magaalada Goma fiidnimadii Axadda, kadib markii ay toddobaadyo ka hor ku socdeen aaggaas.
Dagaalo culus oo ka dhacay halkaas ayaa sababay in meydadka ay bilqan yihiin waddooyinka, halka isbitaallada ay buux dhaafiyeen dhaawacyada, magaalada Goma ayaa ah mid ay ku nool yihiin hal milyan oo qof, waxana sidoo kale ku nool illaa 700 oo Kun oo barakacayaal ah oo kusoo qaxay magaalada ka hor dagaalladii ugu dambeeyay, waana magaalo dhacda xeebta harada Kivu ee xuduudka la wadaagto Rwanda.
Ilo-wareedyo dhowr ah ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in jabhadda M-23 ay si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta garoonka magaalada Goma, taasoo laga yaabo inay jarto wadadii ugu muhiimsanayd ee gargaarka laga gaarsiin lahaa boqollaal kun oo barakacayaalka ah.
Ilo dhanka amaanka ah ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay, in in ka badan 1,200 oo askari oo ka tirsan ciidamada Kongo ay isu dhiibeen fallaagada xilli ay ku sugnaayeen saldhig garoon diyaaradeed oo ay leeyihiin ciidamada Qaramada Midoobay ee ku sugan Kongo.
Tobaneeyo ka tirsan askarta Kongo ayaa is dhiibay, balse qaar ka mid ah askarta iyo maleeshiyaad taabacsan dowladda ayaa weli dagaalamaya, sida dadka deegaanka iyo ilo ka tirsan Qaramada Midoobay ay u sheegeen Reuters.
Dadka ku nool xaafado dhowr ah ayaa soo sheegay, in ay maqleen hubka fudud iyo qaar ka mid ah qaraxyo waaweyn Talaadadii.
Duulaanka waxa uu ka dhigan yahay koror weyn oo ka jira bariga jamhuuriyadda dimuqraadiga ah ee Kongo ee qaniga ku ah macdanta, kaas oo ay sanado badan ka socdeen dagaallo u dhexeeya kooxo hubaysan oo ay taageerayaan quwadaha gobolka ee iska soo horjeeda.