Ra’yi ururin la sameeyay ayaa muujisay in 62% Israa’iiliyiintu ay aaminsan yihiin in Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu uu is casilo, kadib markii uu gabay mas’uuliyaddii ka saarnayd ka hortagga weeraradii 7 October ee sanadkii 2023-kii, halka 28% oo kaliya ay ku gaabsadeen in si buuxda loo fuliyo hashiiska maxaabiista is weydaarsiga iyo xabbad joojinta ee marinka Gaza.
Wargeyska Maariv ee ka soo baxa gudaha Yahuudda ayaa Jimcihii sheegay, in 62% Yahuudda ay aaminsan yihiin in Netanyahu uu is casilo, marka la barbardhigo 29% oo ka soo horjeeda mawqifkaas, iyo 19% oo aan soo bandhigin fikirkooda.
Wargeysku waxa uu intaa ku daray, in 93% codbixiyayaasha mucaaradka ay taageersan yihiin iscasilaada Netanyahu, marka la barbardhigo 31% oo ah codbixiyayaasha xisbiyada dawladda.
Wargeysku waxa uu tilmaamay, in ay xiiso leedahay in la ogaado in 18% codbixiyayaasha Likud (oo uu hogaamiyo Netanyahu) laftoodu ay aaminsan yihiin in Netanyahu uu baneeyo kursiga, si uu u xanbaaro mas’uuliyadda fashilka.
Oktoobar 7, 2023, Dhaqdhaqaaqa iska caabinta Islaamiga ah ee Xamaas ayaa weerar kedis ah ku qaaday 11 saldhig oo millatari ah iyo 22 degsiimo oo ku dhow marinka Gaza, halkaas oo ay ku dileen kuna dhaawaceen boqollaal Israa’iiliyiin ah halka ay gacanta ku dhigeen tobaneeyo kale.
Netanyahu ayaa dhankiisa wacad ku maray inuu Xamaas ka saarayo khariiradda, maxaabiistiisana xoog kusoo furanayo, balse buulo xooftadaas ayaa beenawday waxa ayna danta ku qasabtay inuu isaga baxo marinka Gaza isagoo dulaysan, kuna hungoobay hadafkiisii ahaa inuu Xamaas tirtiro maxaabistiisana xoog kusoo furto. Halka shacabka reer Falistiina ay udabaaldeegeen guushaas uu Allaah ku manaystay 15 bilood oo sabar ah kadib.