Wargeyska Maariv ee ka soo baxa dhulka gumaysataha uu haysto ee Falastiin, ayaa daabacay natiijadii ra’yi ururin dhawaan la sameeyay oo ku saabsan saamaynta uu dagaalka ka socda Gaza iyo Lubnaan ku yeeshay ardayda Yahuudda.
Wargeysku waxa uu sheegay, in xog ururintu ay muujinayso walaac xooggan oo laga qabo xaaladda ardayda, waxayna khubarada cilmi-nafsigu ka hadleen dhibaatada sii kordheysa ee ardayda haysato, sida dhibaatooyinka kasoo food saartay xagga waxbarashada, maaraynta hab nololeedka iyo xitaa xiriirka ka dhexeeya xaaladaha nafsiga ah ee ka dhashay dagaalka iyo jawigiisa. .
Natiijooyinka Ra’yi ururinta ah oo ay sameeyeen Ururada Caafimaadka Maskaxda Dadweynaha, horraantii bishii Nofembar ayaa daaha ka qaaday, in Boqolkiiba 64% dhakhaatiirta cilmi-nafsiga ee ka jawaabay sahanka Ra’yi ururintaan ay xaqiijiyeen, kororka tirada ardayda loo soo gudbiyo goobaha caafimaadka kuwaas oo nafsiyad ahaan u xanuunsan.
Waxa sidoo kale shaaca laga qaaday, in Boqolkiiba 61% dadkan ay horay usugeen sanad barkii si ay u helaan gargaar, halka Boqolkiiba 12% ay sugayeen in ka badan hal sano si ay u helaan gargaar.
Sababaha ugu muhiimsan ee arintaan keenayna waxaa ka mid ah welwel, niyad-jab iyo walbahaarka ka dhashay dhacdooyinka naxdinta leh ee ay maalin kasta fulinayaan Rijaasha kaligood duulka ah ee Falastiin.
Boqolkiiba 76% daryeel bixiyaasha ayaa sheegay, in ay kordheen Ardayda nafsiyad ahaan uxanuunsan sababo la xiriira codsiyada loo soo jeedinayo oo ah in la askareeyo , iyo daadgureynta joogtada ah ee ay ku jiraan marka ay qaylo dhaan soo yeerto, halka kuwa kalana ehelkoodii dhiiga dhagta loogu daray barxadaha Gaza ama lagu dhaawacay oo arintaas darted maskax ahaan aan ufiyoobeen.
Wargeysku waxa uu tilmaamay tiro kale oo kasoo baxday natiijada sahanka, taas oo ah in Boqolkiiba 63% ardaydu ay ku fikirayaan in ay waxbarashada ka tagaan, halka Boqolkiiba 10% ay horay u joojiyeen waxbarashadoodi. Waana arin cabsi iyo walbahaar ku furtay Kayaanka dhiig quutaha ah ee Yahuudda, halka ay isfafaallo iyo guul utahay shacabka dulmi-diidk ah ee Falastiin.
Si kastaba ha ahaatee, Boqolkiiba 94% khubarada cilmi- nafsiga ayaa sheegay, in daawaynta ay ka caawisay ardayda inay sii wataan waxbarashadooda oo ay wanaajiyaan shaqadooda maalinlaha ah iyo tan bulshadooda. Balse waxaa is waaydiin leh, arday mashiinka dhaqaajinaya ay tahay daawo siideebuu horay oogu wadi karaa mustaqbalka kayaanka Sahaayinada ee gabalkiisu sii dhacayo.
Dabayaaqadii Sebtembar, Channel 14 ee Sahaayinada ayaa sheegay, in Boqolkiiba 30% ay kordheen dadka Israa’iiliyiinta ah ee ku nool waqooyiga kuwaas oo raadinaya gargaar nafsi ah sababo la xiriira weerarrada argagax leh iyo duqeymaha uu ururka Shiiciga ee Xizbullaahi ka fulinayo waqooyiga dhulka gumaystaha uu haysto.
Bartamihii bishii Oktoobar, ra’yi ururin uu sameeyay wargeyska Maariv ayaa lagu sheegay, in kaliya Boqolkiiba 49% Israa’iiliyiintu ay sheegeen in ay ammaan ku dareemayaan halka ay joogaan, halka ra’yi ururin kale oo uu sameeyay wargeyska Yedioth Ahronoth uu xaqiijiyay, in Boqolkiiba 20% dadka Yuhuuda ah ay ku fikirayaan inay ka baxaan dhulka uu maamulka Yahuudda ka arimiyo, waa haddii ay helaan awood dhaqaale oo ay ku baxsadaan.