Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa dhul go’ xooggan oo ku dhuftay qeybo kamid ah wadanka Itoobiya kaasoo geystay khasaare isugu jira naf iyo maal intaba.
Dhul go’a ayaa yimid kadib markii roobab mahiigaan ah ay ka da’een dalkaas gaar ahaan gobolka Goofa ee koonfurta Itoobiya.
Sida laga soo xiganayo warbaahinta wadankaas, waxay dhimashadu kor usii dhaafaysaa 200 oo qof iyadoo ay jiraan dad kale oo waxyeello gaartay oo dhulka laga soo saaray iyaga oo nool.
Khasaaraha ayaa waxaa kor u qaaday markii dad badan ay isku soo baxeen si ay u badbaadiyaan tobannaan uu dhulku la go’ay balse waxa uu mar kale dhulku la jarmay dadkii faraha badnaa ee soo gurmaday.
Dadka dhintay ayaa isugu jira rag iyo dumar, walow ay raggu badan yihiin. Dowladda Itoobiya ayaa ugu baaqday shacabkeeda iney ka taxadaraan goobaha laga baqayo inuu dhul go’ ka dhaco.