Boqollaal Yemeniyiin ah oo ka dagaalamaya Ukraine (Warbixin).

14
0

Wargeyska Financial Times  ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa daabacay, in Ruushka uu Yemen ka qoranayo askar si uu  ugu soo dira safka hore ee dagaalka Ukraine, isaga oo gacan ka helaya Xuutiyiinta Yemen.

Wargeysku waxa uu warbixintiisa ku sheegay Axadii, isagoo soo xiganaya dadka aqoonta u leh arrintan, in dawladda Ruushka ay usuurta gashay inay Boqollaal nin oo Yemeni ah u badasho askar iyadoo oo  u maraya  hawlgal qarsoodi ah.

Wargeysku waxa uu sheegay, in raggan qaarkood loo ballan qaaday in ay heli doonaan shaqooyin mushahar badan leh iyo fursada ay ku heli karaan dhalashada dalka Ruushka, balse markii ay Ruushka gaareen lagu khasbay inay ka barbar dagaalamaan ciidamada Ruushka, isla markiibana loo diray dagaalka ka socda dalka Ukraine.

Wargeysku waxa uu sharraxay, in hannaanka shaqo qorista ee Yemen ay qabanqaabinayso shirkad uu aasaasay siyaasi  caan ah oo ka tirsan kooxda Xuutiyiinta.

Wuxuuna tilmaantay Wargeysku,  inay shirkadaan heshay qandaraas shaqaaleysiin ah, kaas oo muujinaya in habka shaqaalaysiinta uu bilaabmay ugu yaraan illaa bishii Luulyo ee la soo dhaafay.

Khasaaraha culus ee ciidankeeda ka soo gaaray duulaanka joogtada ah ee Ukraine awgiis,  ayey Moscow dhawaan ku xoojisay ciidamadeeda illaa 10 kun  oo askari oo kasoo jeeda Kuuriyada Waqooyi. Waa sida ay qaar ka mid ah warbaahinada sheegeen.

Wargeysku wuxuu sheegay isagoo soo xiganaya diblomaasi Amarikaan ah, in iskaashigan uu ka dhigan yahay calaamad muujinaysa xiriirka qotoda dheer ee u dhexeeya Kremlin iyo Xuutiyiinta, Wargeyska ayaana tilmaamay, in wakiilo ka socda Moscow ay tageen Yemen si ay wadahadal ula yeeshaan kooxda Xuutiyiinta.

Dublamaasigan Amarikaan ah ayaa sheegay, in isbahaysigan lama filaanka ah uu kordhinayo suurtagalnimada in Xuutiyiintu ay helaan hub badan oo awood u siinaya inay si toos ah u weeraraan maraakiibta ku sugan xeebaha Yemen.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here