Britain oo Dalkeeda ka Cayrisay Diblomaasi Ruushiyaan ah oo ka Tirsan Dawladda Ruushka.

24
0

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Britain ayaa Khamiistii ku dhawaaqday in London ay kala noqotay warqadaha aqoonsiga diblumaasi Ruushiyaan ah, taasoo jawaab u ahayd sarkaal British ah oo laga eryay Moscow bishii November ee la soo dhaafay, kaddib markii lagu eedeeyay basaasnimo.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Britain ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, diidmada ay ku diidan tahay dhacdadii diblumasigooda lagu soo eryay, waxayna sheegeen “in sidaan oo kale loo cabsi geliyo shaqaalaheenna, sidaas darteedna tallaabo la mid ah aynu qaadeyno.” Ayuu yiri wasiirka arrimaha dibada ee dalkaas.

Waxay sheegtay, inay u yeedhay safiirka Ruushka oo ay u sheegtay in tallaabadani ay jawaab u tahay go’aankii aan cudur daarka lahayn ee Ruushku uu kala laabtay warqadaha aqoonsiga dublamaasi British ah oo jooga Moscow bishii November.

Xoghayaha arrimaha dibadda David Lammy ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ku sheegay, in London aysan ka shallayn tallaabo kasta oo loo qaaday si loo ilaaliyo danaha dhulkeeda.

Arrintan ayaa timid kaddib markii London ay ku dhawaaqday bishii May ee la soo dhaafay, inay dalkeeda ka cayrisay sarkaal sare oo katirsan ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay basaasnimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here