C/fataax Al-Burhaan oo ka hadlay Warar Sheegaya inay Wada-hadal la galayaan Xooggaga RSF.

14
0

C/fataax Al-Burhaan, ayaa beeniyay jiritaanka wararka la isla dhexmarayo oo ku saabsan,  inay wada-hadal la galayaan xooggaga RSF ee dagaalka ba’an kula jira ciidamada malatariga ee dalkaas, wuxuuna caddeeyay in ciidammada ay ka go’an tahay in ay horay u sii wadaan ciribtirka maleeshiyaadkaas.

Qoraal uu soo dhigay bogga Facebook-ga, ayuu Al-Burhaan ku sheegay, in hadalka ku saabsan, in lagu baaqayo shir lala yeesha  xooggaga siyaasadda uu yahay mid khaldan.

Waxa uu ku nuux-nuux saday, in aysan jirin wax heshiis ah oo ay la galeen Urur Siyaasadeed, taasi oo muujineysa in waxa la isla dhex maraayo ay yihiin kuwo aan waxba ka jirin, waxa uu intaa ku daray, in ciidamada qalabka sida  ay qaateen go’aan adag oo ay ku ciribtirayaan maleeshiyadka RSF.

Al-Burhaan wuxuu yiri: “Albaabka towbada iyo u soo noqoshada xaqa waa u furan yahay qof kasta oo hubka dhiga oo u janjeersada dhanka nabadda”.

Hadalka Al-Burhaan ayaa imaanaya, dhowr maalmood kaddib markii ciidamada Suudan ay shaaciyeen in ay dib ula wareegeen xaruntii ciidamada qeybta 17-aad ee magaalada Sinja ee xarunta gobolka Sennar oo dhaca bartamaha dalka Suudan, kaddib dagaallo xooggan oo ay la galeen ciidamada RSF.

Dagaalka u dhexeeya ciidamada Suudan iyo xooggaga taageerada degdega ah ayaa sababay dhimashada kumanaan qof iyo barakaca in ka badan 11 Milyan oo qof, oo ay ku jiraan 3.1 Milyan oo ku barakacay dalka dibadiisa, sida uu sheegay ururka caalamiga ah ee socdaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here