Caa’isho Xasan Subeyr oo kamid ahayd shaqaalaha warfaafinta madaxtooyada yaaa shaqadii laga eryay kadib markii ay sawir ka qaaaday kolonyadii Xasan Sheekh ee qaraxa lala beegsaday shalay Talaadadii.
Inta aysan Caa’isha facebook ka saarin sawirrada ay ka qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaa kale oo lagu haystay qoraal ay ku daabacday barteeda oo ay ku sheegtay iney ka badbaaday qaraxa lagu beegsaday Xasan Gurgurte xilli ay ku sugnayd illinka madaxtooyada.
Waxaa kale oo la xiray 17 wariye oo sawirro ka qaaday gaadiidkii ku burburay qaraxa ee qeybta ka ahaa kolonyadii Xasan Sheekh, waxaana wariyaasha laga tirtiray dhaman sawirradii ay ka qaadeen goobta ee muujinayay khasaraha uu gaystey qaraxa.