Cabdi Raxmaan Shalqam oo soo noqday wasiirka arimaha dibadda dowladii Liibiya uu madaxda ka ahaa Qadaafi, ayaa sheegay farqiga u dhexeeyay labada koox ee Xamaas iyo Fatax.
Shalqam ayaa yiri: ” Liibiya waxaa nagu soo booqday qaar badan oo ka tirsan hogaanka ururka Fatax iyo tiro yar oo ka mid ah hogaanka Xamaas…. balse hogaanka Xamaas ma naga codsan jirin wax lacag ah oo waxey naga codsan jireen oo kaliya inaa ku caawino hub.”
Hadalka wasiir Shalqam ayaa muujinaaya farqiga u dhexeeya labada koox iyo sida Xamaas ay ooga go’an tahay iskacaabinta hubaysan.