Taliye sare oo ka tirsan Ururka Xisbullah Cali Mussa Daqduq ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay duqeyn dhawaan ay Yahuuuddu ka geysatay gudaha dalka Suuriya, sida uu NBC u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan difaaca Mareykanka.
Sarkaalka difaaca ayaa NBC u sheegay inay caddaatay markii ay duqeyntu dhacday, goobta saxda ah ee ay ka dhacday, iyo in la doonayey in si gaar ah loo beegsado, loogana takhaluso Daqduq.
Daqduq wuxuu udub dhexaad u ahaa hawlgalada ka dhanka ah IDF ee koonfurta Lubnaan 2003-2006 ka hor inta uusan u dhaqaaqin Ciraaq oo uu gacan ka geystey waxa ay ku magacaabeen dhisidda hawlgallada argagixisada ee ka dhanka ah ciidamada Mareykanka ee gobolka.
Sannadkii 2007-dii ayay ciidamada Maraykanka ee ku sugan dalka Ciraaq xabsiga u taxaabeen iyagoo lagu eedeeyay inuu abaabulay weerar lagu qaaday ciidamada Maraykanka ee ka dhacay magaalada Karbala, halkaasoo lagu dilay 5 askari, inkastoo markii dambe loo gudbiyay xabsiga Ciraaq Wax dambi ahna lagu waayey ayadoo la sii daayay sannadkii 2012-kii.
Ilaa laga soo dhiibay taliska Faylka Golan sanadkii 2018-kii, Wax yar ka dib markii la sii daayay, Daqduq wuxuu ka mid ahaa Xisbullah mar kale, sarkaalka sare ayaa u sheegay NBC.