Maalin walba waxaa kasoo yeera duulka ay gaalada dhaqan dooriysay ee ku sugan goobaha ay dawladda Fadaraalka ka taliso haddalla gaf ku ah diinta, Anbiyada iyo Saxaabada.
Waxaana manta hadal layaab leh uu kasoo yeeray Cali Wajiiz oo ka tirsan Culimada Dawladda Fadaraalka, kaas oo ahaa in Odawaa uu huganyahay geesinimadii iyo kartidii Nabi Daa’uud Calayhi Salaam.
Wuxuuna is barbardhigay Nabi ka mid ah Anbiyada uu Allaaah uwaxyooday iyo nin Mooryaan ah oo shisheeyaha ushaqeeya.
Cali Wajiiz oo waraysi siinayay warbaahinta ayaa sheegay, in Odawaay, oo ah taliyaha ciidamada DF uu kusoo xasuusta Nabi Daa’uud Calayhi Salaam, taas oo meel kaga dhac ah Nabigaas wuxuuna yiri Wajiiz “ nin dhallinyaro ah oo aan mararka qaarkood Odawaay ku xasuusta oo Nabi Daa’uud la yirahda” isaga oo isbarbar dhigaya Odawaa oo ah mooryaan ay soo carbisatay dawladda Uganda iyo Nabi Daa’uud.
Cali Wajiiz ayaa horay usheegay in diinta Islaamka aan loo soo dajinin in la isku maamulo, ayna wax saami ah ku lahayn maamulka dawladaha, balse Culimada diinta Islaamka ayaa sheegay, in ay arintaas tahay gaalnima aan geed loogu soo gabanin oo hargal cad diinta looga dhaqaaqaya.