Chad oo ku Dhawaaqday inay Joojisay Heshiiskii Dhanka Difaaca ahaa oo ay la Gashay Faransiiska.

20
0

Wasiirka arrimaha dibadda ee Chad Abderrahman Gholamallah, ayaa ku dhawaaqay, in dalkiisu uu joojiyay heshiisyadii iskaashiga dhanka amniga iyo difaaca ee uu la lahaa Faransiiska, saacado yar kaddib markii dhigiisa Faransiiska Jean-Noel Barrot uu booqday magaalada N’Djamena ee caasimadda dalkaas.

Gholamallah ayaa war qoraal ah oo ay wasaaraddiisu ku daabacday boggeeda Facebook ku sheegay, in Xukuumadda Jamhuuriyadda Chad ay ku wargelinayso ra’yiga dadweynaha qaranka iyo kuwa caalamiga ah go’aanka ay ku baabi’isay heshiiskii iskaashiga difaaca ee ay la saxeexatay Jamhuuriyadda Faransiiska.”

Ku dhawaad ​​Kun askari oo Faransiis ah ayaa ku sugan dalka Chad, dalkaas oo tan iyo sanadkii 2021 uu xukumayo Jeneraal Maxamed Idiris Deby, waana mid ka mid ah xulafada fara ku tiriska ah ee Faransiiska ee xilligan ku sugan Afrika.

Waxaa xusid mudan in madaxweynaha Senegal ninka lagu magacaabo Basseou Diomaye Faye uu sidoo kale ku dhawaaqay, in joogitaanka saldhigyada milatari ee Faransiiska dalkiisa ay khilaafsantahay madax banaanida qaranka.

Saamaynta Faransiiska ee dalalkii uu horay u gumaysan jiray ee Galbeedka Afrika ayaa hoos u dhacday, kaddib markii maamullada cusub ee Mali, Burkina Faso iyo Niger ay ka saareen  ciidamada Faransiiska  dhulalkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here