Ciidamada Ammaanka ee Suuriya oo Gacanta kusoo Dhigay Unugyo katirsan Ururka Xisbullaah oo Falal Amni Daro ah Ka Waday Dalka Suuriya..

10
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Suuriya ayaa sheegtay shalay Khamiista, in laamaha Amnigu ay baadiyaha magaalada Dimishiq ka sameeyeen ol-ole lagu bartilmaameedsanayo unugyo xiriir la leh kooxda Xisbullaah ee ka dagaalanta dalka Lubnaan.

Wasaaraddu waxay intaa ku dartay, in unugyadan ay qorsheynayeen fal-dambi maamul oo ay ka fuliyaan deegaanka Sayyada Saynab ee dhaca baadiyaha magaalada Dimishiq, waxaana laamaha amaanka u suuragashay inay gacanta ku dhigaan qaar kamida xubnahaas.

Sawirro ay daabacday wakaaladda wararka ee Suuriya, ayaa muujinayay xubno ka tirsan nabadsugidda guud oo xiraya saddex qof oo qeyb ka ahaa falal amniga lud ku ah oo ka dhacay deegaanka Sayyada Saynab.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, ciidamada ammaanka Suuriya ayaa dhowr ol-ole ka fuliyay Dimishiq iyo baadiyaha magaaladaas, iyada oo lagu bartilmaameedsanayo canaasiir lala xiriirinayo taliskii hore, kuwaas oo qaarkood ay ku lug lahaayeen dilal loo gasytay dad rayid ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Suuriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here