Ciidamada Dalka Suudaan Oo Gacanta Ku Dhigay Magaalada Wad Madani Ee Bartahama Dalk Suudaan.

16
0

Afhayeen u hadlay dowladda Suudaan ayaa ku dhawaaqay in ciidamada Suudaan ay magaalada Wad Madani ee caasimadda gobolka Al-Jaziira,

ka xoreeyeen maleeshiyaadka Dacmu Al-Sariic.

Afhayeenka Xukuumadda, Wasiirka Dhaqanka iyo Warfaafinta, Khaled Al-Casiir, ayaa bayaan uu soo saaray maalintii shalay ku sheegay in “Ciidamada qalabka ay xoreeyaan magaalada Wad Madani.”

Gobolka Al-Jaziira waxa uu ku yaalaa badhtamaha dalka Sudan, waxa uu dhanka koonfur ka xigaa caasimadda dalka Suudaan ee Khartuum.

Magaalada Wad Madani ayaa maalintii shalay soo gashay gacanta ciidamada Sudan ka dib markii in ka badan hal sano ay gacanta ku hayeen maleeshiyaadka Dacmu Al-sariic.

Dhanka kale, hogaamiyaha maleshiyaadka Dacmu Al-sariic ninka lagu magacaabo Xemedti ayaa ka hadlay guul darada ciidankiisa ka soo gaartay dagaalka gobolka Al-Jaziida asago yiri: “Waxaan ku guul darreystay dagaalkii dhacay, laakiin ma aannan khasaarin dagaalka.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here