Ciidamada dawladda Maali ayaa gaystay xasuuqyo wuxuushnimo ah, kuwaas oo lagu dilay dad muslimiin ah oo kasoo jeeda qawmiyada Fulaani ee dagta dalkaas, iyaga oo ku eedeeyay inay gacansaar dhow la leeyihiin ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ee ka hawgala dalkaas.
Warbixinno ay soosaareen hay’adaha sheegta inay u doodaan xuquuqda Aadanaha ayaa sheegay, in milatariga dawladda Maali ay xireen dad tiradoodu u dhaxayso 23 illaa 27 oo ku sugnaa suuqa magaalada Di’afareebe ee dalkaas, kuwaas oo ay ugu dambayntii u dileen qaab fool xun, iyaga oo dhamaantood gawracay, maydadkoodana ku aasay xabaalo wadareed ka agdhawaa magaalada.
Waxaa isasoo taraya falalka noocan oo kale ah ee ay gaysanayaan askarta Maali, kuwaas oo aargoosi joogto ah ku haya qabaa’ilka Muslimka ah ee daga dalkaas. Dhacdadan ayaana qayb ka ah falal dhowr jeer soo noqnoqday oo ciidanka Maali lagu eedeeyay, kuwaas oo sare u qaaday walaaca laga qabo goobaha ay ku sugan ciidamada Maali ee weerarada joogtada ah kala kulma jihaadiyiiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin.