Ciidamada Dawladda Suudaan oo Deegaano Hor leh la Wareegay iyo Xoogagga Dacmu Sariic oo Duqaymo ku Garaacay Magaalada Omdurman.

15
0

Ciidamada dawladda Suudaan ayaa ku dhawaaqay in ay xoogagga RSF kala wareegeen degaano dhaca galbeedka magaalada Omdurman, waxaana ay gacanta ku dhigeen hub iyo lacago faaliso ah oo ay halkaas kaga carareen ciidamada Taageerada degdegga ah.

Dhanka kale, ilo-wareedyo millitari oo ka tirsan ciidamada Suudaan ayaa sheegay, in maleeshiyaadka Dacmu sariic ay duqaymo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee droniska ay ku garaaceen fariisimo militari oo ku yaalla degmada Al-Safwa ee galbeedka magaalada Omdurman.

Dagaalka Suudaan ayaa labo sano jirsaday, wuxuuna madaxa lagalay sanadkiisii Sadexaad oo xiriir ah, hasa yeeshee tan iyo dabayaaqada sanadkii ina dhaafay waxaa isasoo tarayay guuldarooyinka ciidan ee ay la kulmayaan maleeshiyaadka Taageerada degdegga ah, iyadoo bilihii u dambeyay laga qabsaday dhul baaxad leh oo ay kamid tahay magaalada caasimada ah ee Khartuum.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here