Wararka nagasoo gaaraya dhanka Suudaan ayaa ku waramaya, in Ciidamada Dawladda Suudaan ay si buuxda gacanta ugu dhigeen magaalada istaraatiijiga ah ee Dabiibaat, oo ku taalla gobolka Koonfurta Kordofaan, kaddib dagaallo culus oo ay la galeen ciidamada RSF.
War rasmi ah oo kasoo baxay hoggaanka milatariga ayaa lagu sheegay, in dagaaladaas lagu jabiyay maleeshiyaadka RSF, isla markaana ciidamada dowladdu ay gudaha u galeen magaalada Dabiibaat, iyada oo ay halkaas ka dhaceen dagaallo fool ka fool ah.
Qabsashada magaaladan ayaa ka dhigan mid ciidamada dawladda u fududayn karta la wareegida guud ahaan gobalada kale ee Kordofan, taas oo ugu dambayn suura galinaysa in ay ciidamadu u talaabaan dhanka Darfuur.