Ciidamada Dawladda Suudaan oo Qarka u Saran Inay la Wareegaan Qasriga Madaxtoyada ee Magaalada Khartuum.

19
0

Ciidanka Suudaan ayaa ku sii siqaya bartamaha magaalada Khartoum, iyagoo jihooyin kala duwan kasoo weerar ciidamadii ku sugnaa magaaladas, waxayna ku wajahan yihiin Qasriga madaxtooyada ee magaalada Khartuum, oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Taageerada Degdegga ah, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee France-Presse, oo soo xiganaysa ilo milateri oo Suudaaniyiin ah.

Ciidamadan oo dagaal kula jira xooggaga Taageerada Degdegga ah tan iyo Abriil 2023-kii, ayaa waday weerarro xooggan toddobaadyadii la soo dhaafay si ay u ballaariyaan gacan ku haynta caasimadda oo dhan.

Ilo-wareed ka tirsan ciidamada ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Faransiiska in ciidanku ay ku dhow yihiin inay gaaraan oo ay maamulaan bartamaha Khartoum ayna meesha ka saaraan Ciidamada Taageerada Degdegga ah.

“Ciidamadeenna gaashaaman waxay ka soo baxeen dhawr jiho ayagoo ku wajahan qasriga madaxtooyada,” ayuu yiri shakhsiga u waramay wakaalada wararka ee Faransiiska, isagoo magiciisa qariyay.

Ciidanka Suudaan  ayaa shalay Arbacadii  ku dhawaaqay, inay ciidamada RSF ka nadiifiyeen  xaafadaha Al-Rumaila iyo aagga warshadaha ee bartamaha magaalada Khartoum, halkaas oo 3 km oo kaliya u jira Qasriga Jamhuuriga, oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Taageerada Degdegga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here