Ilo wareedyo ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamada Suudan ay la wareegeen gacan ku heynta deegaano ku yaalla koofurta magaalada caasimada ah ee Khartoum, iyadoo dagaallo qaraar ay ka socdaan deegaano badan oo ka tirsan caasimada, sidoo kale ciidamada ayaa duulaan ku qaaday fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada Taagerada deg dega ah ee ku sugan galbeedka iyo bariga magaalada Al Fasher.
Ilo goob joog ah ayaa sheegay in ciidamada dawladda Suudan ay duqayn la beegsadeen fariisimo ay ciidamada Taageerada degdega ah ku lahaayeen xaafadaha bari ee magaalada Khartoum, waxay sidoo kale diyaradu duqeeyeen fariisimo kale oo ay ciidamadani ku lahaayeen magaalada Al-Fashar.
Dawaladda Suudan ayaa horumaro la taaban karo ka sameeysay deegaano dhaca bariga caasimadda Khartoum, iyadoo ay ciidamadu gacanta ku dhigeen magaalooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin Ad Babiker iyo Wadi Al Akhdar.
Dagaaladan ayaa kusoo aadaya ayadoo la’layahy hogaamiyihii ugu sareeyay xooggaga RSF ee mucaaradka ku ah dawladda Suudan, Mahamad Dogllo, kaddib markii inta badan kaabayashii ugu muhiimsanaa magaalada Khartuum laga qabsaday.