Ilo wareedyo ka tirsan ciidamada Suudaan ayaa sheegay in shalay Jimcihii dagaal adag ay la galeen ciidamo ku sugnaa xerada Khattab ee waqooyi-bari eek u taalla deegaanka wabiga Niilka bari ee dhaca waqooyi bari magaalada Khartuum.
Wararku waxa ay intaas ku darayaan in u jeedka iska horimaadkan uu yahay in la isku xiro ciidamada ka imanaya meelo ka baxsan Khartoum iyo kuwa kale ee ku sugan gudaha gobolka.
Weriyaha Aljazeera ayaa soo sheegay, shalay Jimcihii in diyaaradaha ciidanku ay duqeeyeen fariisimaha ciidamada Taageerada degdega ah ee bariga caasimadda, halkaas oo khasaare xooggan lagu gaarsiiyay ciidamada RSF.
Ilo xog ogaal ah ayaa Aljazeera u sheegay, in ciidamada dawladda Suudan iyo kuwa taageera ay ku dhawaadeen xarun istiraatiiji ah oo ku taalla aagga Maqran Al-Nilein ee magaalada Khartoum, taas oo ka dhigan in ciidamada RSF ay gacantooda ka baxeen goobihii ugu muhiimsanaa magaalada Khartuum.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ciidamada Suudaan ay sii wadaan duullaanka ay qaadeen dhowr toddobaad ka hor si ay gacanta ugu dhigaan guud ahaan caasimadda dalka ee Khartuum.