Ciidamada DF oo Lagu Weeraray Magaalada Moqdisho.

52
0

Gobolka Banaadir:

Militariga xarakada Alshabaab ee ka howlgala gobolka Banaadir waxey habeenkii xalay weerar isugu jira dagaal iyo qarax la beegsadeen isbaaro ay ku sugnaayeen ciidamada DF.

Isbaarada la weeraray waxay ku taalay halka loo yaqaano buurta Cali Godey ee xaafada Xoosh ee degmada Dharkenley ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Weerarka waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh: Waxaa ku dhintay 3 askari oo katirsan ciidamada dowlada Soomaaliya.

Sidoo kale warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ciidamada Alshabaab ee weerarka qaaday ay ka furteen ciidamada DF qori AK47 ah iyo booshkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here