Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya oo maanta jab xoggan lagu gaarsiiyay dagaalo ka dhacay gobolka Hiiraan.
Hadii aan ku horeyno dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka degmada Buulo-burde ee gobalka Hiiraan ayaa maanta lagu jabiyay ciidamada Dowladda Fedaraalka.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku dhaawacmay 1 askari oo lagu magacaabo Kulmiye Faragab.
Dhanka magaalada Baladweyne, dagaal galabta ka dhacay deegaan lagu magacaabo Habar-dero oo ku yaalla afaafka hore ee magaalada Baladweyne ayaa sidoo kale ciidamada dowkada Soomaaliya jab xoggan lagu gaarsiiyay.
Ugu yaraan 2 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa la dilay inta uu dagaalka socday.