Maleeshiyaad hubaysan oo katirsan ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya ayaa toogasho ku dilay ganacsade lagu magacaabi jiray Madeer Ibrahim Xasan.
Ganacsadaha ayaa lagu dilay goobtiisa shaqo ee magaalada Baladweyne oo maalmihii ugu dambeyay amaankeedu faraha uu ka baxay.
“Koox ka kooban 3 nin oo tuugo ah ayee ku dileen ganacsadaha, miiskiisa ayee ugu imaadeen oo kabo ayee ka qaateen, kabihii markii ay ka qaateen oo uu dhahay lacagta ii tuura xoog ayee u sheegteen sidaas ayee ku dileen.” Ayuu yiri mid ka mid ah ehelada ganacsadaha la dilay oo warbaahinta la hadlay.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku caan baxay dhaca iyo dilka shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deeganada ay maamulaan.