Ciidamada DF ka Soomaaliya ayaa qof ganacsato ah ku dilay deegaanka Ceelaaha biyaha ee duleedka magaalada Moqdisho.
Ninka la dilay ayaa sababsaday inuu iska diidey bixinta lacago baad ah oo ay weydiisteen ciidamada dowlada Soomaaliya.
” Walaalkey lacag baad ah keen ayaa loo dilay, Askarigi dilay waa la fakiyay, wuxuu ahaa Ganacsade dad badan Shaqaaleeysiiyay.” Waxaa sidaa warbaahinta u sheegay Cabdicasiis Xasan, oo la Dhashay Ganacsadaha lagu dilay Ceelasha Biyaha asagoo dalbaday in uu Cadaalad helo.
Ciidamada DF ka ayaa lagu bartay falalka nuucaan ah, iyadoo aysan jirin cid si cadaalad ah u xukunta askarta gaysta dambiyada nuucaan oo kale ah.
Askarta DF ka ayaa lacago baad ah kaqaata dadka dagan magaalada Mogadishu iyo degmooyinka ku yaala daafaha caasimadda sida: Yaaqshiid, Deyniile, Heliwaa, Gubadley, Daarusalaam, Garasbaaley, kaxda iyo Ceelasha Biyaha.
Ciidamada u shaqeeya laamaha canshuuraha DF ka ayaa sidoo kale geysta dilalka nuucaan oo kale ah, xili ay ganacsatada Soomaaliyeed ay ku eedeynayaan, askarta in lacagta ay dadka ka qaadaan aysan u gudbinin dowlada balse taas badalkeeda ay lacagaha ay lunsadaan.