Militariga xarakada Alshabaab waxey habeenkii xalay qarax la beegsadeen goob ay ku sugnaayeen ciidamada DF gaar ahaan kuwa NISA goobtaas oo ku taala gudaha magaalada Marka.
Inta la xaqiijiyay waxaa weerarka lagu dhaawacay 2 askari oo katirsan NISA.
Isla gobolka Shabeelada hoose, militariga Alshabaab waxey weerar kamiin ah u dhigeen ciidamada DF oo ku socdaalayay duleedka degmada Awdheegle.
Waxaa weerarkaas lagu dhaawacay 2 askari oo katirsan ciidamada dowlada.