Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Khasaaro Xoggan Lagu Gaarsiiyay Qarax ka Dhacay Duleedka Moqdisho.

34
0

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar qarax ah waxa ay ka fuliyeen duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa lala beegsaday askar katirsan dowladda fedaraalka Soomaaliya oo marayay deegaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa sababay khasaare xooggan oo soo gaaray ciidamada dowladda.

Sida warar lagu kalsoon yahay ay noo xaqiijiyeen waxaa gabi ahaanba burburay gaari nuuca Cabdi Bilaha ah oo ay la socdeen ciidamada dowladda, waxaana sidoo kale qaraxa ku dhintay ilaa 5 askari, halka ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 8 askari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here