Ciidamada xarakada Alshabaab gaar ahaan guutada qaraxyada ayaa qarax xooggan ka fuliyay duleedka degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Qaraxa ayaa lagu gubay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamada dowlada Soomaaliya.
Weerarka waxaa ku dhintay sarkaal katirsan ciidamada dowlada halka askari kale uu ku dhaawacmay.
Gobolka Galgaduud ayaa noqday fagaare ay ku loolamaan ciidamada shisheeye, kuwa dowlada Soomaaliya oo isku dhinac ah iyo militariga xarakada Alshabaab.