Ciidamada Dowladda Suudaan oo Qabsaday Magaalooyin Muhiim ah, Iyadoo RSF ay Duqaymo ka Gayasatay Gobollo Kala Duwan oo ka Tirsan dalkaas.

13
0

Magaalada Al-Faashir ee waqooyiga gobolka Darfur ee dalka Suudaan ayaa xalay la kulantay duqeymo culus oo ay fuliyeen Ciidamada Taageerada Degdegga ah, iyadoo madaafiic lagu garaacay xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah. Isla waqtigaas, ciidamada Suudaan iyo kuwa maleeshiyaadkan ayaa isku fara saaray xaafadda Al-Saalixa ee magaalada Omdurmaan. Dacmu sariic ayaana sidoo kale weerarro ay u adeegsatay diyaarado aan duuliye lahayn ku qaaday xarumaha shidaalka ee magaalada Boort-Suudaan.

Xaaladda ka jirta Galbeedka Kordofan ayaa kasii dartay, xili  ay ciidamada Suudaan sheegeen inay la wareegeen magaalooyinka Al-Khawi iyo Ankush, halka RSF ay weerarro culus ka geysatay magaalada Al-Cubaydah iyo tuulooyinka ku hareeraysan, sida ay sheegtay warbaainta dalkaas.

Tan iyo isbuucii ina dhaafay maleeshiyaadka dacmu sariic ayaa weerarro xooggan ka gaystay magaalada dekeda leh ee Boort-Suudaan, taas oo ay ku beegsanayaan xarumaha danta guud ee uu ku tiirsan yahay dhaqaalaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here