Ciidamada Faransiiska oo Bilaabay inay ka Baxaan Dalka Chad.

4
0

120-askari oo katirsan ciidamada Faransiiska ayaa ka baxay dalka Chad Jimcihii shalay, taasoo muujineysa bilowga ka bixitaanka Faransiiska ee mid ka mid ah dalalkii ugu dambeeyay ee uu gumeysan jiray, halkaas oo ay weli joogeen ciidamadiisa.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa goob-joog ahayd ciidamada Faransiiska oo raacaya diyaarado ka duulayay garoonka diyaaradaha ee N’Djamena ee caasimadda Chad, kaddib go’aankii ay dawladda Chad qaadatay 28-kii bishii November ee lasoo dhaafay, kaas oo ay kusoo afjartay heshiiskii iskaashiga difaaca ee ay kula jirtay Paris.

Talaabadan ayaa timid kadib markii Faransiiska uu horey ciidamadiisa kala baxay Mali, Burkina Faso iyo Niger sanadihii lasoo dhaafay. Howlaha ka bixitaanka ayaa si rasmi ah u billowday horraantii bishan iyadoo ay 10-kii bishii December dhoofeen Labo diyaaradood oo ah nooca dagaalka ee uu leeyahay Faransiiska.

Bixitaankan ayaa soo afjaraya Tobanaan sano oo ciidamada Faransiisku ku sugnaayeen wadamada Saaxilka, waxayna soo gabagabaynaysaa howlgallada tooska ah ee ay militariga Faransiisku ka wadeen gobalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here