Ciidamada gumeystaha Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in 8 askari looga dilay dagaallo ka dhacay koonfurta dalka Lubnaan.
Warbaahinta gumeystaha ayaa sidoo kale sheegtay in 39 lagu dhaawacay Jabhadda ka holcaysa koonfurta dalka Lubnaan kuwaas oo la dhigay isbitaallada si ay u helaan daweyn tan iyo waaberigii maalintii shalay, waxaana dhaawacyada ka mid ah 3 askari oo xaaladoodu ay halis tahay.
Ciidamada gumeystaha ayaa maalmihii la soo dhaafay dhaqdhaqaaq kawaday xuduud beenaadka ay wadagaan Lubnaan iyo Falastiin.
Balse maalintii shalay ayee la kulmeen Yahuuda iskacaabin aad u xoggan oo ay kala kulmeen kooxda Xisbullah.