Maamullada Turkiga ayaa ku dhawaaqay, in 25 tahriibayaal sharci darro ah oo ay ku jiraan 13 carruur ah laga soo badbaadiyay xeebaha gobolka Antalya ee badda Mediterranean-ka ee koonfurta dalkaasi.
Taliska Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Turkiga ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen ku sheegay, in shaqaalahooda ay heleen meydka qof tahriib ah intii lagu guda jiray howl-galka samata bixinta ah, iyagoo xusay in dadka tahriibayaasha ah ay la socdeen dooni caag ah oo badda ku soo caariday, kadib markii uu cilad ku yimid matoorkeeda.
Xudduudaha uu Turkiga la wadaago dowladaha Bulgaria iyo Giriiga iyo sidoo kale qaar ka mid ah xeebaha Turkiga ayaa waxaa ku soo badanaya dadka sharci darrada ah ee isticmaala marinnada berriga ama badda si ay u gaaraan dalalka Yurub.