Iyadoo uu weli socdo cadaadiska Mareykanka ee ku aadan in dowladda Lubnaan ay gacanta ku dhigto dhammaan hubka kooxda Shiicada ah ee isku magacawday Xisbullaah iyo in ciidamada Lubnaan la geeyo guud ahaan dalka, ayaa ilo xog ogaal ah oo ku dhow Xisbullaah waxay sheegayaan, in inta badan goobihii ay Xisbullaah kaga sugnayd koonfurta wabiga Litani ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada amaanka ee Lubnaan.
Ilahan ayaa intaa ku daray, in ay jiraan 265 goobood oo ah xarumo milatari oo ay ku suganaayeen maleeshiyaadka Xisbullaah, kuwaas oo hada 190 kamid ah ay gacanta u galeen ciidamada Lubnaan.
Geesta kale, ilo dhanka ammaanka ah ayaa xaqiijiyay in ciidanku ay burburiyeen inta badan fariisimihii uu xisbigu ku lahaa aagga koonfureed ee wabiga Litani, iyagoo kaashanaya ciidamada Qaramada midobay ee ku sugan dalkaas.
Arrintan ayaa timid iyadoo maalmihii u damabaysay ay dawladda Maraykanku amar ku siisay xukumada Lubnaan inay kala dirto dhamaan maleeshiyaadka lamagac baxay Xisbullaah, sidoo kalana ay gacanta ku dhigto hubka ay ku qalabaysan yihiin iyo dhulkay ay haatan maamulaan.