Malatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxey habeenkii xalay dagaal culus ku qaadeen xero askarta Kenya ay ku leeyihiin Tuulada Basuuba oo u dhaxeysa Mangaay iyo Milimaani.
Dagaalka inta uu socday waxa uu dab xoogan ka kacay gudaha xerada waxaana gubtay dhowr teendho oo ciidamada Kenya uga dhex dhisnaa xerada, kuwaasi oo sahay iyo agabyo kale ay ugu keydsanaayeen.
Malatariga Xarakada Mujaahidiin Al-Shabaab ee ka hawl-galo gudaha gobalka Laamuu ee ku hoos Jira gumaysiga dowladda Kenya ayaa xoojiyay weerarrada ka dhanka ah dowladaas dulmiga ku hayso dadka Muslimiinta ah.