Ciidamada RSF oo ah maleshiyaad hubaysan oo dawlada Sudan dagaal adag kula jira mudo sanad kabadan, ayaa gabood falo baahsan kula kacay dad shacab ah oo daganaa Waqooyiga gobalka Darfur.
Ilo-wareedyo maxalli ah oo ku sugan gobolka Waqooyiga Darfur ee galbeedka Suudaan, ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada RSF ay gubeen illaa 45 tuulo Labadii Todobaad ee la soo dhaafay, taasoo keentay illaa 20 kun oo qof in ay uqaxaan dalka jaarka la ah ee Chad.
Ciidamadan ayaa dagaal hubaysan kula jiray ciidamada Suudaan in ka badan hal sano, waxayna 14-kii Bishii lasoo dhaafay ee October bilaabeen oll-ole aargoosi ah oo ay ku beegsanayaan deegaanada ay degan yihiin qabiilka Zaghawa ee daga gobolka Waqooyiga Darfur, iyagoo ku andacoonaya in qabiilku uu taageersan yahay ciidamada isku dhafka ah ee dawlada taageersan.
Dhanka kale, Hassan Adam, oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha oo deggan agagaarka Waadi Baashim ee deegaanka Kutum, ayaa u sheegay warbaahinta in Ciidamada RSF, ay bilaabeen abaabulka oll-ole aargoosi ah, kadib markii ay ku guuldareysteen inay difaacaan magaalada Ceel Fasher.