Ciidamada Ruushka oo ku Dhawaaqay Inay Kaabiga ku Hayaan Magaalo Istaratiji ah oo ku Taalla Gobalka Donetsk.

25
0

Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa xaqiijisay maanta in ciidamadoodu ay la wareegeen tuulada Novovasilivka, oo koonfur-galbeed ka xigta magaalada Pokrovsk ee gobalka Donetsk, taas oo ah meel ku dhow marinka istaraatiijiga ah ee ay ciidamada Ukraine u marto sahaydu.

In ka badan hal sano, ciidamada Ruushku waxay isku dayayeen inay hareereeyaan magaalada Pokrovsk oo ay dhamaan gooyaan waddooyinka waaweyn ee ku xira magaalada Kostyantynivka, taas oo ah xudunta saadka ugu weyn ee ciidamada Ukraine.

Sida laga soo xigtay website-ka Ukraine Debstat, ciidamada Ruushka ayaa hadda boqolaal mitir u jira wadada istaraatiijiga ah ee bariga  magaalada Pokrovsk, inkastoo ciidamada Ukreine ay joojiyeen isticmaalka wadadaas.

Ciidamada Ruushka ayaa hormaro joogto ah ka samaynaya dagaalka Ukraine, kuwaas oo maalin kasta la wareegaya deegaano hor leh, ayadoo ay ugu wacan tahay taageerada reer galbeedku ay siinayeen Ukraine oo gabaabsi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here