Ciidamada Ruushka oo ku sii siqaya koonfurta Ukraine.

49
0

Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in ciidamadeedu la wareegeen tuulada Levandi ee gobolka Zaporizhya ee dhacda koonfurta Ukraine.

Ciidamada Ukraine ayaa dib ula wareegay gacan ku haynta Tuuladan bishii June 2023-ka, markaas oo ay ku guda jireen weerar rogaal celis ah oo ka dhan ahaa ciidamada Ruushka, kuwaas oo weerar ku soo galay gobolka horaantii 2022-ka.

Wasaaradda Difaaca ee Ruushka, ayaa sheegtay in intii uu socday howlgalka xoreynta magaalada iyo gacan ku haynta goobaha muhiimka ah, ay beegsadeen agabka milatari ee saddex guuto oo Yukreeniyaan ah, guud ahaan khasaaraha ciidamada Ukraine ayaa gaaray ilaa 120 askari oo dhimasho ah.

Marka la eego xaaladda bariga Ukraine, Ruushka ayaa shalay Axaddii ku dhawaaqay inuu la wareegay gacan ku haynta magaalada Mikhailivka ee bariga Ukraine, xilli ay ku soo dhawaadeen magaalada muhiimka ah ee Pokrovsk, halkaas oo ciidamadoodu ay ku sii siqayeen mudo toddobaadyo ah.

Shalay Axadii, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku eedeeyay Kuuriyada Waqooyi inay dagaalka ka dhanka ah dalkiisa ay si toos ah ugu jirto, wuxuuna sheegay inay askar usoo direen Ruush-ka, arintan ayaa imaanaysa kadib markii  6 askari oo Kuuriyada Waqooyi kasoo jeeda lagu dilay 3-dii October gantaal ay Ukrain la beegsatay fariisimo ay ciidamada Ruushku leeyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here