Ciidamada Ruushka oo la Wareegay Gacan ku Haynta Tuulo Muhiim ah oo Dhacda Bariga Ukraine.

9
0

Ruushka ayaa manta ku dhawaaqay, in ciidamadiisa ay la wareegeen tuulo cusub oo ku taalla bariga Ukraine, sida ay sheegeen wakaaladaha wararka ee Ruushka. Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa bayaan ay soo saartay maanta  ku sheegtay in ciidamadeedu ay la wareegeen tuulada Ostrovsky oo dhacda gobalka Donetsk.”

Bayaanka ayaa lagu yiri “Natiijooyinka howlgallada joogtada ah ee ay wadeen cutubyo ka tirsan Kooxda Koonfurta ee Ciidamada Ruushka, ayaa lagu xoreeyay tuulada Ostrovsky oo ka tirsan Donetsk”

Sidoo kale, wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa wakaaladaha wararka ee Ruushka ayaa sheegtay, in ciidamada Ruushk shalay oo jimco ahayd ay usuurta gashay in ay la wareegaan tuulada Kostyantinopolsk ee gobolka Donetsk ee Bariga dalka Ukraine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here