Wakaaladda wararka ee Ruushka oo soo xiganaysa wasaaradda gaashaandhigga ee dalkaas ayaa shalay sheegtay, in ciidamada Ruushka ay la wareegeen magaalo lagu magacaabo Miikhaayaliifkaa oo ku taalla gobolka Duneeska ee bariga Yukrayn.
Dhankeeda, wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa maalintii shalay sheegtay, in nidaamkeeda difaaca hawada ee dalkaas ay burburiyeen 12 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo ay Yukrayn kusoo weerartay dalkaas.
Milateriga Ruushka ayaa dib u bilaabay hawlgaladooda saqdii dhexe ee habeenkii 11 –aad ee bishaan Meey, kolkaas oo uu idlaaday xabad-joojintii saddaxda maalmood ahayd ee uu ku dhawaaqay Madaxwaynaha Ruushka Faladamiir Buutin.
Arintaan ayaa kusoo aadayso, iyadoo lagu wado in dowladaha Ruushka iyo Yukrayn lagu wado in maanto uu wada-hadal toos ah uga farmo dalka Turkiga.