Ciidamada Sahaayinada oo Gudaha u Galay Magaalooyin ku Yaalla Daanta Galbeed.

26
0

Ciidamada guumaysiga Yahuudda ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro iyo duulaano kala duwan ku qaaday magaalooyin iyo deegaano katirsan Daanta Galbeed, waxa ayna ciidamada iska caabinta falastiiniyiintu kula dagaalameen xerada Tulkarm.

Ciidamada gumeysiga ayaa xoog ku galay magaalada Qalqilya oo dhacda dhanka waqooyi ee Daanta Galbeed, iyo magaalada Kobar oo dhanka waqooyi galbeed ka xigta Ramallah, Silwad oo dhanka waqooyi kaga beegan Ramallah, iyo Al-Yamuun oo dhanka galbeed ka xigta magaalada Jenin ee dhulka la heysto ee Daanta Galbeed.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada gumaysigu ay markale gudaha u galeen deegaanka Nablus ee bariga Daanta Galbeed, waxayna ciidamada gumaysigu fuuleen saqafyada guryaha ku yaalla xerada Balata ee bari ka xigta magaalada Nablus, waxaana cagaf-cagafyada Yahuuddu bilaabeen inay burburiyaan kaabayaasha dhaqaalaha ee xerada Balaata.

Tulkarm, oo ku taalla waqooyiga Daanta Galbeed, dagaalyahanada wax iska caabintu waxay beegsadeen ciidanka gumaystaha oo gabaad ka dhiganayay dhismo la degan yahay oo ku yaalla agagaarka xerada Tulkarm ee Daanta Galbeed, halka ciidamada gumaysigu gurmad cusub u direen dhanka magaalada Tulkarm.

Ilo wareedyo ayaa Aljazeera u sheegay in ciidamada gumeysiga ay weerar ku qaadeen xaafadda Shuhadada Maxamuud Tawalbeh oo ku taalla inta u dhaxeysa magaalada iyo xerada Jenin, waxaana intii howlgalka uu socday ay rideen bambaanooyinka dhawaq.

Yahuudda ayaa sii xoojisay weerarada ay ku hayso dhulka Daanta Galbeed ayadoo maanta la filayo in marinka Qaza laisku waydaarsado maxaabiistii Yahuudda iyo dadkii Falstiiniyiinta ahaa ee ku jiray xabsiyada Sahaayinada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here