Ciidamada militariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay fuliyay weeraro ka dhan ah ciidamada shisheeye iyo kuwa maamulka Koonur-galbeed, kuwaas oo ka kala dhacay goballada Baay iyo Sh-hoose.
Guutada madafiicda ee Xarakada Al-Shabaab ayaa saakay weerar madaafiic ah ku qaaday xerada ay askarta Xabashida Itoobiya ku leeyihiin gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Beydhabo.
Isla gobolka Baay ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xerada Idow Dhigaal oo ay dagan yihiin askarta maamulka Koonfur-galbeed ku leeyihiin magaalada Beydhabo, waxaana weerarkaas ku dhaawacmay 1 askari.
Dhanka kale,ciidamada militariga Xarakada Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday, xerada ay ciidamada shisheeye ee dowlada Uganda ku leeyihiin gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Baraawe ee gobalka Sh-hoose.
Ciidamada shisheeye ee duullanka ku jooga dalka Soomaaliya ayaa si joogta ah ula kulma weeraro iyo dagaalo toos ah.