Wararka ka imaanaya gobalka Shabeellada Dhexe ee bartamaha Soomaaliya ayaa ku waramaya, in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay maanta qarax xooggan la beegsadeen ciidamada shisheeye ee duulaanka ku jooga gobalkaas.
Qaraxan oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Buurane ayaa lala eegtay ciidamo Burundees ah oo lugeynayey, waxaana ku dhintay 3 askari oo Burundees ah.
Malatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa laba jibaaray weerarrada, kamaa’innada iyo qaraxyada ay la beegsanayaan ciidamada Shisheeye iyo kuwa ku daaban ee dowladda Fadaraalka iyo maamul gobaleedyada.