Ciidamada Suudaan ayaa shaaca ka qaaday, in ay fashiliyeen weerar cusub oo ay Ciidamada Taageerada Deg-degga ah ku soo qaadeen Magaalada Al-Fasher oo ah Xarunta Gobolka Waqooyiga Darfur, halka Maamulka Suudaan uu ku eedeeyay maleeshiyaadkaas in ay duqeeyeen isbitaal ku yaalla Magaaladaas, waxaana ka dhashay duqeyntaas dhimasho iyo dhaawac.
Warbaahinta Milateriga Suudaan ayaa sheegtay, in ciidamada qalabka sida ay u suurtagashay, in ay jabiyaan ciidamada Taageerada deg-degga ah xilli ay isku dayayeen in ay magaalada ka soo galaan dhanka Koonfureed, waxaana loo geystay khasaare naf iyo maalba leh.
Warbaahinta ciidamada ayaa intaa ku dartay, in ciidamada qalabka sida ay si gaar ah u beegsadeen maleeshiyaadka Tageerada deg-degga ah ee ku sugnaa Waqooyiga iyo Bariga magaalada, taasoo keentay in tiro badan oo ka tirsan maleeshiyaadka la dilo, halka wixii soo harayna ay ufirxadeen gooba ka fog magaalada Al-Fasher, waxaana laga soo riday 7 diyaaradood oo ah kuwa dagaalka. sida ay xaqiijisay warbaahinta ku hadasha af ciidamada malatariga.
Sidoo kale, wararka ayaa tibaaxaya, in ciidamadan malatariga ee Suudaan ay ka jawaabeen madaafiic ay ciidamada Tageerada deg-degga ah ku garaaceen xaafado ka tirsan Al-Faasheer, waxaana sidoo kale lasoo sheegaya, in ciidamada Tageerada deg-degga ah ay qudhooda iska dileen 20 askari, kaddib markii si khalad ah ay u duqeeyeen goob ay isku urursanayeen ciidamadooda oo ku taalla daafaha magaalada Al-Fasher.
Xoogaga Taageerada Deg-degga ah ayaa gacanta ku haya inta badan gobolka Darfur, waxayna go’doomiyeen magaalada Al-Fasher muddo bilo ah, waxayna marar badan isku dayeen inay xoog ku galaan, balse waa ay ku guuldareysteen, ciidamada malatariga Suudan ayaa si buuxda hadda gacanta ugu haya magaalada.