Ciidamada Suudaan ayaa maanta ku dhawaaqay, in ay la wareegeen gacan ku haynta goobo istiraatiiji ah oo ku yaalla magaalada Al-Fasher ee Waqooyiga Darfur, kaddib markii ay dagaal ba’an magaaaladaas kula galeen Ciidamada Taageerada Degdegga ah.
Warbaahinta militariga Suudaan ayaa xaqiijisay, in ciidamada militariga dalkaas oo ay taageerayaan dhaqdhaqaaqyada halganka hubeysan iyo ciidamada isku dhafka ah ay u suurtagashay, in ay fashiliyaan qorshayaasha Ciidamada Dacmu sariic ayna wiiqaan awoodooda dagaal ee gobolka.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay dawladda, maleeshiyaadka Dacmu sariic ayaa weerar xooggan ku qaaday magaalada Al-Fasher, ayagoo u adeegsaday in ka badan 50 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah, waxay sidoo kale weerarkan u adeegsadeen duqayn madaafiic ah oo socotay in ka badan 6 saacadood oo xiriir ah.
Bayaanka oo sii socda ayaa lagu cadeeyay, in weerarkaas ay fashiliyeen ciidamada dawladda Suudaan, waxayna ku sheegeen in la burburiyay 7 diyaaradood kahor intii aanay gaarin bartilmaameedkooda, iyadoo ay u dheer tahay inay burburiyeen laba baabuur oo kuwa dagaalka ah.
Wararka ka imaanaya gudaha dalka ayaa sheegaya, in dagaalka Al-Fasher uu noqon karo mid isbedel ku keena dagaalka ka socda Suudaan tan iyo bishii April 2023-kii, maadaama magaaladan ay dhacdo marin muhiim ah oo laga soo galo gobolka Darfur.