Ciidamada Suudan Ayaa Dib ula Wareegay Gacan ku Haynta Magaalada Al-Kamlin ee Gobalka Jaziira.

30
0

Ilo xog ogaal ah ayaa Aljazeera u sheegay, in ciidamada Suudan ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Al Kamlin oo ah magaaladii ugu dambeysay ee ay ku xooganaayeen ciidamada taageerada degdega ah ee ku sugan gobolka Jaziira ee bartamaha dalka Sudan. Magaalada Al-Kamlin waxay qiyaastii 65 kiiloomitir u jirtaa caasimadda Khartoum.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamadu ay u gudbeen dhanka waqooyi oo ay la wareegeen deegaano iyo tuulooyin dhowr ah, waxaana sidoo kale la xaqiijiyay in ciidanku ay hadda gacanta ku hayaan guud ahaan gobolka Jaziira, marka laga reebo goobo yar yar oo ay wali ku sugan yihiin ciidamada RSF.

Wariyaha Al-jazeera ee dalka Suudaan Al-Tahir Al-Mardi, ayaa soo sheegay in ciidamada Suudaan ay wadaan dagaallo xooggan, oo ay ku wajahan yihiin magaalada Khartoum, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Taageerada degdega ah ee ka baxay Wad Madani.

Wuxuu intaas ku daray in ciidanku ay dagaalladan ka wadaan saddex jiho, laga soo bilaabo bariga wabiga Niil, kuwaas oo ku wajahan bariga Khartoum, dhanka kale dagaaladu waxay ka socdaan koonfurta Khartuum, waxayna ku wajahan yihiin magaalada Al-Kamlin, sidoo kale dagaaladu waxay ka socdaan gobolka Niilka-cad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here