Ciidamada Taageerada Degdegga ah oo Duqaymo Cusub ka Gaystay Magaalooyin Dhaca Dalka Suudaan.

36
0

Dagaalada u dhaxeeya ciidamada dawladda Suudaan iyo xoogaga RSF ayaa wali kasii socda dhowr jiho oo ka tirsan caasimada Khartoum iyo sidoo kale gobolada waqooyi ee Kordofan iyo Niilka cad.

Dhinaca Niilka Bari, ciidamada dawladda ayaa si dhamaystiran gacanta ugu dhigay Buundooyinka Manshiya iyo Soba, iyagoo isku xiraya galbeedka magaalada Khartoum iyo gobolka Niilka Bari ee Khartuum.

Ilo deegaanka ah ayaa warbaahinta u sheegay, in dhimashadu ay gaartay afar qof oo rayid ah oo ku dhintay duqeyntii shalay Ciidamada Tageerada degdegga ah ay ka geysteen magaalada Al-Cubeyda.

Warku waxay intaas ku darayaa in dadka dhintay ay ku jiraan haweeney iyo cunug ay dhashay oo lagu dilay duqeymo xalay lagu garaacay xaafado ka tirsan magaalada Al-Cubeyda ee xarunta gobolka Waqooyiga Kordofan.

Magaalada Al-Fasher, ciidamada Suuadaan ayaa subaxnimadii hore ee saaka sheegay, in duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha Dacmu Sariic ay ku dhinteen shan caruur ah, halka ay ku dhaawacmeen afar haween ah.

Militariga dawladda Suudaan ayaa intaas ku daray in diyaaradahooda cirka ay dileen 8 ka mid ah ciidamada Taagerada degdega ah, iyagoo xusay in howlgalo balaaran oo ay ka sameeyeen hareeraha magaalada Al-Fasher ay ku qabsadeen labo baabuur oo kuwa dagaalka ah.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Ururka Midowga Afrika uu shalay Arbacadii walaac xooggan ka muujiyay dadaalada ay Ciidamada Taageerada degdega ah iyo xulafadooda ay ku dhisayaan dowlad barbar socota xukuumada Suudaan, iyagoo ka digay in tallaabadan ay halis ku tahay jiritaanka Suudaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here